Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Guddoomiyihii deegaanka Garasbaalley ee Muqdisho oo qarax lagu dilay

by: | Friday, 21 May 2021 21:44 EAT
0 Comments
946
Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare)
Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare)
Muqdisho (Lamaane.net) - Ilo wareed ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta qarax miino lala beegsaday Guddoomiyihii deegaanka Garasbaalley Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) iyo labo ka mid ah ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen.
Falkani oo bulshada Muqdisho ay ka naxeen ayaa waxaa uu dhacay kadib markii uu ka soo baxay Salaadda Jumcaha oo uu ku dukaday masjid halkaas ku yaalla .

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa ku tilmaantay marxuumka mas'uul dhiirran oo u adeeggay dadkii uu matalayay, waxa ayna barteeda Facebook ku qortay sidatan (Walaalkeey Guddoomiye Cabdiraxmaan Garyare waxuu ka mid ahaa dadka xushmadda gaarka ah aan u hayay, waxa uu ahaa mas'uul deeganka madaxda uu ka ahaa u jeclaa sidii caruurtiisa  oo kale, una damqanaayay, kana warqabay dadka masuulka uu ka ahaa, una sii dheereyd geesinnimo uu kula dagaalamaayay nabad-diidka).

Waxaa xusid mudan in muddo laga joogo afar bil in Guddoomiye ku xigeenkii Deegaanka Garasbaalley iyo guddoomiyii dhalinyarada  lagu dilay qarax lagula eegtay isla gudaha deegaankaasi, iyadoo nabaddoon Geedi Maxamuud Firdhiye oo ka mid ahaa duqowda deegaankaasi uu ku waayay naftiisa isla deegaankaasi August 4, 2017.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Garyare iyo ilaaladiisa.

Deegaanka Garasbaalley oo soohdimo la kala leh degmooyinka Dayniile , Kaxda iyo Afgooye ayaa waxa uu hore uga tirsanaa degmada Dharkeynley oo laga jaray isaga iyo Degmada Kaxda.  



Related Items


Leave a comment