Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Taliska Ciidanka Dhulka XDS oo ka shiray xoojinta howlgallada

by: Staff Reporter | Friday, 10 July 2026 03:51 EAT
0 Comments
9
Muqdisho (Lamaane.net) - Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka talisyada qaybaha ciidanka dhulka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta fulinta waajibaadka ciidamada, kor u qaadidda hufnaanta taliska iyo isku-duwidda howlgallada iyo qorsheyaasha Ciidanka Dhulka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hoggaanka, isla markaana lagu mideynayo jihada shaqo ee talisyada qaybaha si loo xaqiijiyo in waajibaadka Ciidanka Dhulka loo fuliyo si hufan, isku xiran, oo waafaqsan qorshayaasha Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items