Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Japan oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka

by: Staff Reporter | Sunday, 28 August 2022 11:24 EAT
0 Comments
1371
Tunis (Lamaane.net) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8 - Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.
Labada mas'uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed - isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.


Related Items


Leave a comment