Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Shaqaale ka Tirsan Dowladda oo lagu beegsaday Degmooyinka Wadajir Iyo Waaberi

by: Staff Reporter | Tuesday, 26 October 2021 09:57 EAT
0 Comments
63
Muqdisho (Lamaane.net) - Magaalada Muqdisho ayaa xalay oo Isniin ahayd, 25 Oktoobar, 2021 , marti-gelisay mowjado ammaan-darro oo isdaba-joog ah, ka dib markii weeraro qorsheysan lagu beegsaday qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Sida ay sheegeen ilo ammaan iyo dad goob-joogayaal ah, weerarka koowaad ayaa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan Waaxda Timo-cadde abaare 8:30-kii fiidnimo, halkaas oo kooxo ku hubeysnaa bistoolado ay rasaas ku fureen Maxamed Dhaqane oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ilaalinta canshuuraha ee loo yaqaano Turubataariyo, iyo xaaskiisa Raxma Cali Dheere oo ka tirsan shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir. Labada xubnood oo xilligaas ka degayey mooto bajaaj ayaa la kulmay weerar kedis ah, kaas oo sababay in sarkaalku uu goobta ku geeriyooday, halka xaaskiisa iyo darawalkii mootada oo lagu magacaabo Mustaf Ganeey ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Marxuumka iyo dadka dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina si dhaawaca loogu sameeyo daryeel caafimaad iyo baaritaanno dheeraad ah. 

ilo ammaan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in nus-saac ka dib dhacdadii hore, qiyaastii abaare 9:00-kii fiidnimo, weerar kale oo loo adeegsaday bambo-gacmeedka nuuca loo yaqaano "Bambo Canuuni" lagu qaaday guri ku yaalla Waaxda Maajo ee degmada Waaberi. 

Maxamuud Xuseen oo ka mid ah dadka xaafadda deggan ayaa ku xog-waramay in guriga la weeraray ay  degganeyd haweeney lagu magacaabo Ikraan Maxamuud Yuusuf oo loo garan ogyahay Ikraan Xaydar oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib U Dhiska & Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 

Waxa uu caddeeyay in Ikraan ay ka badbaaday qaraxa, balse uu ku dhaawacmay saygeeda Cabdinajiib oo loo garan ogyahay (Cabdi Madoobe) oo isaguna ka tirsan shaqaalaha nadaafadda ee degmada Waaberi iyo mid ka mid ah carruurtooda yar-yar. Labada qofood ee ku dhaawacmay weerarkaan ayaa si deg deg ah loo gaarsiiyey Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan (Ex-Digfeer) si loogu dabiibo. 

Goob-jooge kale oo diidday in magaciisa la shaaciyo ayaa ku waramay in Ikraan Xaydar ay tahay Hooyo Umul kujirta, isla markaana ay qiyaastii muddo hadda laga joogo labo bilood si dirqi ah uga badbaaday isku-day kale oo lagu khaarajin lahaa xilli ay gurigeeda u socotay. 

Labada weerarba waxaa mas'uuliyaddooda dusha u ritay Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey kordhiyey beegsiga ay ku hayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo xubnaha ka tirsan laamaha ammaanka ee deggan xaafadaha magaalada Muqdisho. Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falalkaan, waxaana laamaha ammaanka ay sheegeen inay wadaan baaritaanno lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyey weeraradaas xalay ruxay caasimadda.

Related Items


Leave a comment