Lamaane News Network – Somalia & Global News

Guddoomiyaha SoDMA oo socdaal ku jooga Dhuusamareeb

by: Staff Reporter | Friday, 27 February 2026 22:46 EAT
0 Comments
24
Dhuusamareeb (Lamaane.net) - Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wafdiga Guddoomiyaha SoDMA waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi), iyo Guddiga abaaraha Galmudug.

Socdaalka Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle waxa ay la xiriirtaa qiimeynta xaaladda abaarta iyo xoojinta dadaallada gurmadka. Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda Galmudug iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, si loo dardargeliyo taageerada la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay.

Socdaalkani u kuurgalidda ah ayaa ka qeyb ah dadaallo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ku ogaato baaxadda abaaraha daran ee dadka iyo duunyada saameeyay.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi