Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Dowladda oo sheegtay in la dilay 26 dagaalyahan oo Al-Shabaab

by: Staff Reporter | Sunday, 12 July 2026 22:41 EAT
0 Comments
6
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).
Muqdisho (Lamaane.net) - War-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari noociisu yahay "Toyota Landcruiser Pickup" oo ay Soomaalidu ula baxeen magaca Cabdi-bile  iyo booyad shidaal oo ay Al-Shabaab u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in howlgalladan uu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada argagixisanimo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay u mahadcelinayso saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sidaasi ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items