Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Suudaan

by: Staff Reporter | Wednesday, 5 October 2022 00:21 EAT
0 Comments
2562
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, isaga oo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa la iskula soo hadal qaaday xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada waddan. Waxaa kale oo lagu fallanqeeyay horumarka amniga iyo siyaasadda Soomaaliya iyo dadaallada bini’aadantinimo ee lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items