Tiitiin ama waxa dadka qaar ay u yaqaanaan magaca "Tiin-qodaxle" waa nooc ka mid ah dacaarta, wuxuu si weyn uga qayb qaataa daryeelka maqaarka, timaha iyo guud ahaan caafimaadka jirka, maadaama uu hodan ku yahay fitamiino iyo macdanno kala duwan oo jirka faa'iido u leh.
Waa in aad ogaataa in uu ka sokow dhadhankiisa macaan ee dabiiciga ah, uu sidoo kale leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo ballaaran oo jirka oo dhan ah.
Xilliga geed-miroodkani carada ka baxa uu soo if-bixiyo mirtiisa, waxaa habboon inaad ka faaidaysatid, ha ahaato adigoo miro ahaan u cunaya, ama u adeegsanaya sidii maaskaro wajiga ah, ama aad ka faa’iidaysanayso waxyaabaha lagu sameeyo ee lagu daryeelo maqaarka iyo timaha.
100 garaam oo tiin-qodaxle ah waxa ku jira ku dhawaad 41 kaloori oo ah inta tamar ee cuntadu siiso jirka, taas oo ka dhigan in 1 kiilo oo tiinka ah uu ka kooban yahay 410 kaloori, waa cunto ku habboon nidaam kasta oo miisaan-dhimis ah, waxaana lagu isticmaali karaa xilliga "diet”, mana kordhinayo miisaankaaga.
Qaabka tiin-qodaxlaha loo cuno
1. Waxaa lagu dhex-daraa khudradda ansalaatada, iyada oo jar-jaran, waxa ay u yeelaysaa dhadhan gaar ah.
2. Mirtiisa oo qabow oo qolofka laga diirray oo waxna lagu darin ayaa la cunaa.
3. Waxa aad ku dhex-dari kartaa shukulaatada loo yaqaan "Nutella" iyo subagga "Lotus Biscoff".
4. Waxa aad u cabi kartaa sidii cabitaan la shiiday.
5. Waxaa lagula shiidayaa liin bambeelyo ama liin dhanaan ama liin madareeni oo gaballo baraf ah lagu dhex-daray, wuxuu noqonayaa cabitaan aad u qabow oo xilliyada kulaylka la adeegsado.
6- Waxa lagula shiidaa caano si looga sameeyo cabitaan.
7- Waxa aad ku dhex-dari kartaa sallada ama firintijeedka ay kuugu jiraan geed-miroodyada la quuto.

