Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ra'iisul Wasaare Rooble oo isku kala beddelay Wasiirrada Cadaaladda iyo Gaashaandhigga

by: Staff Reporter | Sunday, 26 December 2021 19:57 EAT
0 Comments
4764
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Muqdisho (Lamaane.net) - Wareegto uu soo saaray Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda, halka Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka cusub ee Cadaaladda 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku beddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ku kala wareegaan.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items