Muqdisho (Lamaane.net) - Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa qabtay shalay oo Arbaco ahayd (27 October) muxaadaradii shanaad ee todobaadlaha oo ku saabsan "Xirfadaha istaraatiijiyadda isgaarsiineed ee xilli-tireedka maanta" oo ay soo jeedisay Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, goob-joogna uu ka ahaa Agaasimaha Machadka Mudane Cabdiwali Xasan Xuseen (Fadiilatahu).
Muxaadarada ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta xirfadaha isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka iyo sidoo kale hababka wax akhriska iyo qorista, iyadoo tiknoolojiyadda dhijitaalka ah ay kaalin ku leedahay suurtagelinta horumarinta xirfadaha duni isku xiran.
Muxaadarada ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaabab adag oo la xiriira naqshadaynta iyo horumarinta xirfadaha dhijitaalka ee heerka siyaasada guud si loo daboolo baahida, waxna looga qabto caqabadda , lagana faa'ideysto fursadda.


Leave a comment