Muqdisho (Lamaane.net) - Waa mid ka mid ah dhacdooyinka dhaxalgalka ah ee lagu xasuusan doono hormarinta qoyska , iyadoo loo saldhigay aas'aaska qoysas Ka kooban dhalinyaro baahiyaha gaarka qaba.
Guur wadareedka oo loo sameeyay 10 dhalinyaro oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumaa,udiin, bahda waxbarashada, axsaabta Siyaasada iyo masuuliyiin ka socota dowalada.

Waxaa la isku guuriyay shan
hablood iyo shan wiil , waxaana taabagelisay Hey'adda Hormuud Salaam Foundation oo kaalin weyn ka qaadatay dhisidda qoysaskan, iyada oo ku qarash gareesay ilaa $25,000 oo doolar, waxaana soo abaabushay Xarunta Horumarinta Qoyska ee Guryasamo oo sanadkii labaad qabatay barnaamijkan guur wadareedka loogu sameynayo dhalinyarada baahiyaha gaarka qaba.
Guddoomiyaha Hey'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha ururrada bulshada rayidka Cusmaan Muxiyaddiin Tahliil (Shaatax), Guddoomiyaha ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed Daahir Xasan, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dalka cabdiraxmaan Macalin Axmed oo kahadlay munaasabda meherka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in ay goobjoog ka ahaadaan munaasabadda sida wadajirka ah loogu dhisayo ilaa shan qoys oo ay ku midoobayaan dhalinyaro baahiyaha gaarka qabta, iyaga oo ku ammaanay Hey'adda Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadatay dhisidda qoysaskan.
Guddoomiye Ku xigeenka Hey'adda Hormuud Salaam Foundation ee gacanta weyn ka geysatay bixinta qarashka guur wadareedka Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ka hadlay munaasabada meherka ayaa xusay kaalinta Hey'adda Hormuud Salaam Foundation ay ka qaadato horumarinta bulshada iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada.

Sheekh Cabdulxayi Xaaji Aadan oo kamid ah mas'uuliyiinta Xarunta Horumarinta Qoyska oo isna ka hadlay munaasabadda meherka ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda qoyska , isagoo Hey'adda Hormuud Salaam Foundation kaga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadatay taabagelinta guur wadareedkan.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble iyo Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Xaniifo Maxamed ibraahim Xaabsade oo gabagabadii Munaasabada Meherka ka hadlay ayaa bogaadiyay guur wadareedka ay maalgelisay Hey'adda Hormuud Salaam Foundation.
Waa sanadkii labaad oo Hey'adda Hormuud Salaam Foundation maalgaliso guur wadareedka dhalinyarada baahiyaha gaarka qaba oo ay soo agaasintay xarunta Horumarinta Qoyska ee Guryasamo.


Leave a comment