Socdaalka Madaxweynaha ee Laascaanood oo xoojiyay midnimada
Muqdisho (Lamaane.net) - Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay magaalada Laasacaanood, xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, ayaa ahaa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Soomaaliyeed halkaasi ku tago muddo 40 sano kaddib.

