Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Xabad joojin ka dhaqangashay Marinka Gaza kadib 11 cisho oo duqeyn ah

by: Staff Reporter | Friday, 21 May 2021 21:25 EAT
0 Comments
5895
Gaza (Lamaane.net) - Waxaa maanta degan xaaladda Israel iyo Marinka Gaza, ka dib markii Ururka Xamaas iyo Maamulka Israel ay saqdii dhexe ee xalay wada gaareen heshiis xabad joojin ah.
Dowladda Masar oo heshiiskani garwadeen ka ahayd ayaa wafuud dhanka ammaanka ah u dirtay Gaza iyo Israel, kuwaa oo korjoogto ka noqonaya heshiiska.

Labada dhinac ayaa siyaabooyin kala duwan u sheegay inay aqbaleen heshiiskaasi xabad joojinta isla-markaana ay u hoggaansamayaan.

Xabad joojinta ayaa dhaqangashay saqdii dhexe ee xalay, ka dib kow iyo toban maalmood oo Israel ay duqayn xoog lihi ku haysay Marinka Gaza iyo gantaalo ay xoogagga Xamaas u ridayeen dhanka Israel.

Duqaymaha labada dhinac ayaa galaaftay nolosha in ka badan 240 qof oo badankood ay ku geeriyoodeen Gaza.

Related Items


Leave a comment