Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ergeyga QM oo cambaareeyay weerarka Al shabaab ee Bariire iyo Awdheegle

by: Super Admin | Sunday, 4 April 2021 19:57 EAT
0 Comments
803
James Swan
James Swan
Muqdisho (Lamaane.net) - Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
"Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Md. Swan. "Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay." 

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in khasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray tallaabada adag ee ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related Items


Leave a comment