Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa diray tacsi tiiraanyo leh, muujiyayna dareen murugo leh oo ku aaddan geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo gelinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, halkaasi oo isbitaal ku yaalla la dhigay cishooyinkii dambe kadib markii xaalad caafimaad darro ay la soo gudboonaatay.
Wasiirku waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii uu ka baxay marxuumka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhambaalkiisa tacsida ayuu Wasiirku ku yiri "Aad ayaan uga murugnay geerida ku timid madaxweynaheenii hore. Fikirkayagu wuxuu la jiraa qoyskiisa iyo asxaabtiisa waqtigan aadka u adag ee murugada leh, waxaan Allah ka baryaynaa inuu u naxariisto marxuumka, dambigiisana dhaafo, maqaam sarreeyana ka siiyo jannadiisa ballaaran, ehelkiisa iyo qaraabadiisana ku deeqo samir iyo iimaan."
"Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun"


Leave a comment