Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Yemen

by: Staff Reporter | Monday, 2 January 2023 22:55 EAT
0 Comments
2408
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo hore u dhaqaajinta iskaashiga labo geesoodka si ay ku jirto nacfiga labada dad ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray looga hadlay dhowr arrin oo la xiriirtay xiriirka, si gaar ah horumarintiisa, kor u qaadistiisa iyo ballaarintiisa iyadoo la eegayo dano wadaagga.

Related Items


Leave a comment