Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u gudbiyay Ra'iisul wasaaraha qorshe howleedka Wasaaraddiisa ee sanadka 2023

by: Staff Reporter | Thursday, 22 December 2022 22:28 EAT
0 Comments
2275
Muqdisho (Lamaane.net)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta oo Khamiis ah u gudbiyay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ballanqaadka qorshe hawleedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sanadka 2023.
Qorshe hawleedka uu Wasiirku la wadaagay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isugu jira dib u habaynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda Dalka iyo in la sii wado dadaalka miro dhalay ee Wasaaraddu ka samaysay tiirka lixaad ee qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran oo ah SOOMAALI HESHIIS LA AH DUNIDA. 

Gudbinta qorshe hawleedka sanadka soo socda waxaa Wasiirka ku weheliyay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda.

Related Items


Leave a comment