Muqdisho (Lamaane.net) - Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa maanta oo Talaado ah , nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo uga guddoomay Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Angola u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Angola inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday, si kor loogu qaado xiriirka iskaashi ee laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.
Dhankiisa, Safiirka Angola ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo dalka Soomaaliya oo ku yaalla goob istiraatiiji oo gaar ah, kuna dadaali doono sare u qaadidda heerka iskaashiga labada dal iyadoo loo marayo xoojinta xiriirka.


Leave a comment