Muqdisho (Lamaane.net) - Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta dib uga qaaday dhagxaan lagu jaray xalay xilli dambe Isgoyska Dabka ee Muqdisho ka gadaal markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Sayidka.
Isgoyskaasi oo lagu tiriyo kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda Muqdisho ayaa isku xira degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Waaberi , waxa uu halbowle u yahay dhaq dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga.
Muddadii saacadaha ahayd ee uu xirnaa maanta waxaa cidhiidhi galay isku socodka gaadiidka noocyadooda kala duwan.
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray ciidanka in dhagxaanta la dhigay isgoyskaasi laga qaado, taasoo saraakiisha ciidamada amnigu ay degdeg u fuliyeen.


Leave a comment