Muqdisho (Lamaane.net) - Si waafaqsan mas'uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saarran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wadajir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya.



Leave a comment